Sveriges 100 mest populära podcasts

Codka Ubax

Codka Ubax

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Prenumerera

iTunes / Overcast / RSS

Webbplats

codkaubax.com

Avsnitt

SE08EP06 Waa Layga Guursaday 13

Waa taxanihii "Waa Layga Guursaday", qaybtii 13-aad. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-12-10
Länk till avsnitt

SE08EP5: Dhuusamareeb

Waxa aannu magaalada Dhuusamareeb kula kulannay Prof. Axmed Salaad oo aanu kala sheekaysannay isbeddelka dhaqanka ku socda. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-11-10
Länk till avsnitt

SE08EP04: Hadhiwaa

Hadhiwaa waa buugga cusub ee uu qoray Maxamed Haldoor, kaas oo uu kaga warramayo waayihiisa caafimaad iyo isbeddelkii ku yimid. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-10-27
Länk till avsnitt

SE08EP03: Murtida Maansada Urugo

Maansada Urugo waxa ay ku saabsan tahay qiso xanuun badan oo uu ka sheekayn doono Abwaan Cabdirisaaq "Bidixo", maansadeedana tirin doono. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-10-14
Länk till avsnitt

SE08EP02 Foosiya Rindai

Waxa aannu magaalada Stockholm kula sheekaysannay Foosiya Rindai.

Support the show
2023-09-29
Länk till avsnitt

SE08EP01 Dimuqraadiyaynta Tacliinta

Cabdi Maxamed Axmed waxa uu ka shaqeeyaa horumarinta afka iyo dhaqanka, waana Aasaasaha iyo Maamulaha Kitaab Cloud. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-09-15
Länk till avsnitt

SE07EP11 Caweyska Boorama

Caweyska Boorama iyo Codka Ubax. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-09-01
Länk till avsnitt

SE07EP10 Beledweyn

Waxa aannu magaalada Beledweyn kula kulannay Cali Baarrey oo ah sugaanyahan, macallin iyo odhay-dhaqameed. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-08-11
Länk till avsnitt

SE07EP09 Qays Qeyser

Qofku safarka wuu isku bartaa, dadkana wuu ku bartaa, Qays Qeyser ayaynu kala sheekaysan doonnaa naftiisa, ta dadka kale iyo riyooyinkiisaba. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-07-07
Länk till avsnitt

SE07EP08 Waa Layga Guursaday 12

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 12-aad. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-06-16
Länk till avsnitt

SE07EP07 Silsiladda Jacaylka ee Muxubbo-Heellood

Silsiladda jacaylka ee Muxubbo-Heellood waxa dalka Hindiya ka bilaabay Abwaan Haldeeq. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-06-09
Länk till avsnitt

SE07EP06 Caweyska Burco

Waxa aannu dadweyne tiro badan ku caweynay magaalada Burco. Daawasho wacan!

Support the show
2023-06-02
Länk till avsnitt

SE07EP05 Halista Qaabnololeedka Soomaalida

Maxaa iska beddelay qaabnololeeda Soomaalida? Mustafe Maxamed Cali waxa uu ku takhasusay daawooyinka. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-06-01
Länk till avsnitt

SE07EP04 Cabdi Ciise Cajuun

Fanka, suugaanta, saxaafadda, jacaylka, degaanka Darroor, xerta timaweynta.. Cabdi Ciise Cajuun. Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-05-12
Länk till avsnitt

SE07EP03 Gaalkacyo: Isbaaradu Waa Qalbiga

Barnaamijkan waxa aynu ku dhegaysan doonnaa laba halyey oo naftooda u huray sidii ay dadkooda wanaag iyo jacayl uga dhex abuuri lahaayeen. Waa laba jiil oo ay shaqadoodu midaysay, yoolkooduna mid yahay.  Dhegaysi wacan!

Support the show
2023-05-01
Länk till avsnitt

SE07EP02 Waa Layga Guursaday 11

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 11-aad. Dhegaysi wacan.

Support the show
2023-03-04
Länk till avsnitt

SE07EP01 Bandhigga Hangoolka

?Bandhigga Hangoolka? iyo daahfurka madasha la yidhaa Fankeenna. Dhegaysi wacan! 

Support the show
2023-02-24
Länk till avsnitt

SE06EP08 Filmmaking: Soomaalida & Tebinta Sheekada

Hababka ugu saamaynta badan ee sheekooyinka loo tebiyo waxa ka mid ah samaynta filimada. Soomaalida iyo adeegsiga filimaanta ayaynu kala sheekaysanaynaa labada Soosaare ee Maan Yuusuf iyo Khaalid Siciid. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-11-04
Länk till avsnitt

SE06EP07 Udbaha Nolosha

Cabdirixiin Siddiiq "Heello" waa halabuur maansayahan ah, halkan waxa uu kaga hadlayaa maansada iyo noocyadeeda guud ahaan, gaar ahaanna maansadiisa "Udbaha Nolosha". Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-10-09
Länk till avsnitt

SE06EP05 Gabboodfallada Caafimaadka

Gabboodfallada caafimaadku waa maxay? Sidee loo maareeyaa marka khalad dhaco, dhibbanaha maxaa la gudboon, ma se jiraa xeer caafimaad oo dalka u yaal? Ma laga ganacsan karaa caafimaadka iyo daawooyinka, yaa se hubinaya tayadooda? Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-09-24
Länk till avsnitt

SE06EP04 Waa Layga Guursaday 10

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtiisii 10-aad. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-09-16
Länk till avsnitt

SE06EP03 - Jawaab Baan Baadhayaa

Haddii aad warbaahinta ka shaqaynaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay, sidee ayaad u arki lahayd isbeddelkeeda joogtada ah? Sidoo kale, Axmed Cismaan Batuun waa abwaan curiya suugaanta, bulshadana qaybaheeda kala duwan u wacyigeliya hab uu jiil kastaa fahmayo. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-09-09
Länk till avsnitt

SE06EP02 - Hadraawi

Qof kasta oo i naga mid ah, Hadraawi wax ayuu u ahaa, kaalin ayuu igu jirey. Prof. Bulxan, Rooble Cabdi Muuse iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo midba dhan ka eegi doono maansadii iyo shakhsiyaddii Hadraawi, ayaa ka warrami doona. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-08-30
Länk till avsnitt

SE06EP01 Damiirka Anaa Iska Leh

Waa kalkii 6-aad iyo qaybta kowaad oo aynu la sheekaysan doonno Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska, Cabdiraxmaan Cismaan ?Xaaji?. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-08-21
Länk till avsnitt

SE05EP12 Fan iyo Fannaan

Cumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-06-18
Länk till avsnitt

SE05EP11 Waa Layga Guursaday 9

Waa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-06-10
Länk till avsnitt

SE05EP10 Maxaa Dookhii Ku Dhacay?

Waxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ?Kaab? oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso.

Support the show
2022-06-03
Länk till avsnitt

SE05EP09 Isbedellada Nidaamka Caafimaadka

Nidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-05-27
Länk till avsnitt

SE05EP08 Waa Layga Guursaday 8

Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-05-20
Länk till avsnitt

SE05EP07 Kalkaalisadii Horumarisay Finland

Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ?Waraabe? waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan!


Support the show
2022-05-13
Länk till avsnitt

SE05EP06 Ciid Wanaagsan

Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-05-02
Länk till avsnitt

SE05EP05 Dalxiiskii Riyada

Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-04-29
Länk till avsnitt

SE05EP4 Digrigii Xubbiga

Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso. 

Support the show
2022-04-22
Länk till avsnitt

SE05EP03 Waa Layga Guursaday 7

Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-04-18
Länk till avsnitt

SE05EP02 Jilaaga Filinka Xaaska Xabaalqodaha

Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-04-15
Länk till avsnitt

SE05EP01 Saamaynta Maalka & Maanka ee Dabka Hargeysa

Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas? 

Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan!

Support the show
2022-04-08
Länk till avsnitt

SE04EP15 Deegaanka & Duurjoogta: Huda Cali Banfas

Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-12-10
Länk till avsnitt

SE04EP14: Fanka & Suugaanta: Cabdirixiin Siddiiq "Heello"

Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-11-19
Länk till avsnitt

SE04EP13 Fanka & Suugaanta: Cawaale Deeqsi

Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan!

Support the show
2021-11-05
Länk till avsnitt

SE04EP12 Waa Layga Guursaday 6

Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ?Islaan Baan Qalayay?, ta labaadna ?Igu Labee?. Dhegaysi wacan! 

Support the show
2021-09-24
Länk till avsnitt

SE04EP11 Makhaayadda Hablaha - Rinkeby

Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan! 

Support the show
2021-09-10
Länk till avsnitt

SE04EP10 Noocyada Jacaylka & Aragtida Suugaanyahanka

Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-08-20
Länk till avsnitt

SE04EP09 Waa Layga Guursaday 5

Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-08-13
Länk till avsnitt

SE04EP08 Ciid Wanaagsan

CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-07-23
Länk till avsnitt

SE04EP07 Gefka Jacaylka ka Daaya

Abwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon!

Support the show
2021-07-09
Länk till avsnitt

SE04EP06 Jawhar: Jidkii Dheeraa ee Saxaafadda

Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-07-02
Länk till avsnitt

SE04EP05 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 2

Waa qaybtii labaad ee barnaamijkii dalxiiska ee Ceerigaabo. Qaybtan waxa aynu ku tegi doonnaa buurta Daalo. Waxa aynu subax hore ka bixi doonnaa magaalada Ceerigaabo, innaga oo ka sii quraacan doonna tuulada Karin. Waxa safarka hage ka ah Cabdirisaaq iyo Khadiija. Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-06-25
Länk till avsnitt

SE04EP04 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 1

Waxa aannu dalxiis ku tegaynaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daalo. Barnaamijku waa laba qaybood. Qaybta labaad waxa ay ku soo bixi doontaa barnaamijka kan xiga. Nala dalxiis. Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-06-18
Länk till avsnitt

SE04EP03 Waa Layga Guursaday 4

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday" qaybtiisii afraad. Waxa qaybtan ku jira labada sheeko ee la kala yidhaa "Jacayl-ku-xigeen" iyo "Wuu Iga Adkaa". Dhegaysi wacan!

Support the show
2021-06-04
Länk till avsnitt

SE04EP02 Nidaamka Doorasho ee Somaliland

Dhallinyar badan oo ay da?doodu ka yar tahay 31 jir, ayaa markii u horreysay noloshooda codayn doona oo soo dooran doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa isla mar dhacaysa doorashada Golaha Deegaanka. Barnaamijkan oo aqoonkorodhsi ah, waxa aynu ku eegi doonna taariikhda doorashooyinka Somaliland iyo marxaladaha ay soo mareen. Sidee loo qaybiyaa 82-ka kursi ee Wakiillada? Doorashadani maxay kaga duwan tahay kuwii hore? In reernimo la isku soo xulo, ma tahay dimuqraaddiyad? Waxa si waafi ah uga warramaya Garyaqaan Guuleed Dafac. Dhegaysi wacan! 

Support the show
2021-05-28
Länk till avsnitt
Hur lyssnar man på podcast?

En liten tjänst av I'm With Friends. Finns även på engelska.
Uppdateras med hjälp från iTunes.